soomaali
Surah Nooh - Aya count 28
إِنَّا أَرْسَلْنَا نُوحًا إِلَىٰ قَوْمِهِ أَنْ أَنذِرْ قَوْمَكَ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ
( 1 ) ![soomaali - Nooh - Aya 1 Nooh - Aya 1](style/islamic/icons/mp3.png)
Annagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.
قَالَ يَا قَوْمِ إِنِّي لَكُمْ نَذِيرٌ مُّبِينٌ
( 2 ) ![soomaali - Nooh - Aya 2 Nooh - Aya 2](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»
أَنِ اعْبُدُوا اللَّهَ وَاتَّقُوهُ وَأَطِيعُونِ
( 3 ) ![soomaali - Nooh - Aya 3 Nooh - Aya 3](style/islamic/icons/mp3.png)
ee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca.
يَغْفِرْ لَكُم مِّن ذُنُوبِكُمْ وَيُؤَخِّرْكُمْ إِلَىٰ أَجَلٍ مُّسَمًّى ۚ إِنَّ أَجَلَ اللَّهِ إِذَا جَاءَ لَا يُؤَخَّرُ ۖ لَوْ كُنتُمْ تَعْلَمُونَ
( 4 ) ![soomaali - Nooh - Aya 4 Nooh - Aya 4](style/islamic/icons/mp3.png)
Wuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.
قَالَ رَبِّ إِنِّي دَعَوْتُ قَوْمِي لَيْلًا وَنَهَارًا
( 5 ) ![soomaali - Nooh - Aya 5 Nooh - Aya 5](style/islamic/icons/mp3.png)
Nabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.
فَلَمْ يَزِدْهُمْ دُعَائِي إِلَّا فِرَارًا
( 6 ) ![soomaali - Nooh - Aya 6 Nooh - Aya 6](style/islamic/icons/mp3.png)
Yeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.
وَإِنِّي كُلَّمَا دَعَوْتُهُمْ لِتَغْفِرَ لَهُمْ جَعَلُوا أَصَابِعَهُمْ فِي آذَانِهِمْ وَاسْتَغْشَوْا ثِيَابَهُمْ وَأَصَرُّوا وَاسْتَكْبَرُوا اسْتِكْبَارًا
( 7 ) ![soomaali - Nooh - Aya 7 Nooh - Aya 7](style/islamic/icons/mp3.png)
Markasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.
ثُمَّ إِنِّي دَعَوْتُهُمْ جِهَارًا
( 8 ) ![soomaali - Nooh - Aya 8 Nooh - Aya 8](style/islamic/icons/mp3.png)
si kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa»
ثُمَّ إِنِّي أَعْلَنتُ لَهُمْ وَأَسْرَرْتُ لَهُمْ إِسْرَارًا
( 9 ) ![soomaali - Nooh - Aya 9 Nooh - Aya 9](style/islamic/icons/mp3.png)
Waana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.
فَقُلْتُ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ إِنَّهُ كَانَ غَفَّارًا
( 10 ) ![soomaali - Nooh - Aya 10 Nooh - Aya 10](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance.
يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُم مِّدْرَارًا
( 11 ) ![soomaali - Nooh - Aya 11 Nooh - Aya 11](style/islamic/icons/mp3.png)
Cirkana Roob badan ha idinka keenee.
وَيُمْدِدْكُم بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَيَجْعَل لَّكُمْ جَنَّاتٍ وَيَجْعَل لَّكُمْ أَنْهَارًا
( 12 ) ![soomaali - Nooh - Aya 12 Nooh - Aya 12](style/islamic/icons/mp3.png)
Hana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal.
مَّا لَكُمْ لَا تَرْجُونَ لِلَّهِ وَقَارًا
( 13 ) ![soomaali - Nooh - Aya 13 Nooh - Aya 13](style/islamic/icons/mp3.png)
Maxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen.
وَقَدْ خَلَقَكُمْ أَطْوَارًا
( 14 ) ![soomaali - Nooh - Aya 14 Nooh - Aya 14](style/islamic/icons/mp3.png)
Isagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan.
أَلَمْ تَرَوْا كَيْفَ خَلَقَ اللَّهُ سَبْعَ سَمَاوَاتٍ طِبَاقًا
( 15 ) ![soomaali - Nooh - Aya 15 Nooh - Aya 15](style/islamic/icons/mp3.png)
Miyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran.
وَجَعَلَ الْقَمَرَ فِيهِنَّ نُورًا وَجَعَلَ الشَّمْسَ سِرَاجًا
( 16 ) ![soomaali - Nooh - Aya 16 Nooh - Aya 16](style/islamic/icons/mp3.png)
Dayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.
وَاللَّهُ أَنبَتَكُم مِّنَ الْأَرْضِ نَبَاتًا
( 17 ) ![soomaali - Nooh - Aya 17 Nooh - Aya 17](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka.
ثُمَّ يُعِيدُكُمْ فِيهَا وَيُخْرِجُكُمْ إِخْرَاجًا
( 18 ) ![soomaali - Nooh - Aya 18 Nooh - Aya 18](style/islamic/icons/mp3.png)
Haddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona.
وَاللَّهُ جَعَلَ لَكُمُ الْأَرْضَ بِسَاطًا
( 19 ) ![soomaali - Nooh - Aya 19 Nooh - Aya 19](style/islamic/icons/mp3.png)
Eebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol.
لِّتَسْلُكُوا مِنْهَا سُبُلًا فِجَاجًا
( 20 ) ![soomaali - Nooh - Aya 20 Nooh - Aya 20](style/islamic/icons/mp3.png)
Si aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn.
قَالَ نُوحٌ رَّبِّ إِنَّهُمْ عَصَوْنِي وَاتَّبَعُوا مَن لَّمْ يَزِدْهُ مَالُهُ وَوَلَدُهُ إِلَّا خَسَارًا
( 21 ) ![soomaali - Nooh - Aya 21 Nooh - Aya 21](style/islamic/icons/mp3.png)
(Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin.
وَمَكَرُوا مَكْرًا كُبَّارًا
( 22 ) ![soomaali - Nooh - Aya 22 Nooh - Aya 22](style/islamic/icons/mp3.png)
Dhagar waynna way Dhakreen.
وَقَالُوا لَا تَذَرُنَّ آلِهَتَكُمْ وَلَا تَذَرُنَّ وَدًّا وَلَا سُوَاعًا وَلَا يَغُوثَ وَيَعُوقَ وَنَسْرًا
( 23 ) ![soomaali - Nooh - Aya 23 Nooh - Aya 23](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri.
وَقَدْ أَضَلُّوا كَثِيرًا ۖ وَلَا تَزِدِ الظَّالِمِينَ إِلَّا ضَلَالًا
( 24 ) ![soomaali - Nooh - Aya 24 Nooh - Aya 24](style/islamic/icons/mp3.png)
Waxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn.
مِّمَّا خَطِيئَاتِهِمْ أُغْرِقُوا فَأُدْخِلُوا نَارًا فَلَمْ يَجِدُوا لَهُم مِّن دُونِ اللَّهِ أَنصَارًا
( 25 ) ![soomaali - Nooh - Aya 25 Nooh - Aya 25](style/islamic/icons/mp3.png)
Gafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare,
وَقَالَ نُوحٌ رَّبِّ لَا تَذَرْ عَلَى الْأَرْضِ مِنَ الْكَافِرِينَ دَيَّارًا
( 26 ) ![soomaali - Nooh - Aya 26 Nooh - Aya 26](style/islamic/icons/mp3.png)
Nuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna.
إِنَّكَ إِن تَذَرْهُمْ يُضِلُّوا عِبَادَكَ وَلَا يَلِدُوا إِلَّا فَاجِرًا كَفَّارًا
( 27 ) ![soomaali - Nooh - Aya 27 Nooh - Aya 27](style/islamic/icons/mp3.png)
Maxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.
رَّبِّ اغْفِرْ لِي وَلِوَالِدَيَّ وَلِمَن دَخَلَ بَيْتِيَ مُؤْمِنًا وَلِلْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ وَلَا تَزِدِ الظَّالِمِينَ إِلَّا تَبَارًا
( 28 ) ![soomaali - Nooh - Aya 28 Nooh - Aya 28](style/islamic/icons/mp3.png)
Eeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn.